Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la kulmay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Kulanka ayaa ka qabsoomay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Waxaa kulankan diiradda lagu saaray iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha kawada dhexeya labada dal.
Labada mas’uul ayaa sheegay in dib u eegis ay ku samaynayaan dhaqangelinta natiijadii ka soo baxday booqashadii uu madaxweynaha dalka ku tagay waddanka Maraykanka bishii Shanaad ee sanadkan.
Waxay sidoo kale kulankooda kaga hadleen qaababka lagu xoojinayo iskaashiyada taageeridda howlgalka nabad sugidda ee waddanka Haiti.
Madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu sii xoogeysto xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Maraykanka si loo xalliyo isku dhacyada iyo amni darrada ka jirta qaaradda iyo gobolka Carribean-ka.
Blinken ayaa dhankiisa ku ammaanay madaxweyne Ruto hoggaaminta Kenya ee howlgalka nabad sugidda iyo taageerrada amniga caalamiga ah ee waddanka Haiti.