Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo ku eedeysan ka ganacsiga nooca maandooriyaha ee xashiishka.
Tani ayaa timid ka dib howlgal laga sameeyay xaafad ka tirsan deegaanka hoose Diani ee ismaamulka Kwale.
Waxaa howlgalkan iska kaashaday ciidamada qaabilsan la dagaallanka maandooriyaha ee (ANU) iyo saraakiil ka tirsan waaxda dambi barista ee DCI-da.
Ciidamada ayaa howlgalka ku soo qabtay ugu yaraan 314 kiilogaraam oo xashiish ah.
Qiimaha lacageed ee balwaddan ayaa lagu qiyaasay 9.4 milyan oo shilin.
Tuhmanayaasha la xiray ayaa kala ah Irene Auma iyo Hamisi Cumar.
Booliiska ayaa ku raadjooga tuhmanaha ugu muhiimsan oo lagu magacaabo Kevin Barasa oo loo yaqaan Kevo, kaas oo baxsad ah.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhig booliis, iyagoo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala deegaanka Msambweni ee ismaamulka Kwale Josphat Mutisya ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha isagoo wacad ku maray in laga qaadi doono tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.