DHAGEYSO:Rigathi Gachagua oo madaxweynaha dalka kula taliyay inuu xalliyo khilaafka ka dhex jiro UDA

0
195

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa madaxweyne William Ruto kula taliyey inuu xalliyo khilaafka ka dhex taagan xisbiga talada waddanka haya ee UDA.
Waxaa uu sheegay in haddii xisbigan uu burburo ay adag tahay in dib loo soo dhiso.
Xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu ayuu Gachagua madaxweynaha dalka uga digay inuu dib u soo celiyo siyaasadii khiyaanada ku saleysnayd.
Waxaa uu ka codsaday inuu oofiyo ballanqaadkiisi ahaa inuunan oggolaan doonin in ku xigeenkiisa la dulleeyo.
Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay in haddii uu madaxweynaha buriyo ballantaasi in aynan ku kalsoonaan doonin shacabka gobolka bartamaha dalka oo uu ku tilmaamay in aynan cafin cidii khiyaanta.