Ugu yaraan 50 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Iiraan

0
356

Ugu yaraan 51 ruux oo shaqaale ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax ka dhacay goob macdanta laga soo saaro oo ku taalla dalka Iiraan.
Goobtaasi oo loo yaqaao Tabas ayaa ku taalla Bariga Iiraan.
Wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa ku warramaysa in tirada dhimashada oo horay ahayd 30 ay sii korortay.
Waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay 20 qof oo kale.