DHAGEYSO:Dowladda oo amartay in la xiro keynta Likia ee ismaamullada Nakuru iyo Narok

0
383

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Nakuru Loyford Kibaara ayaa amar ku bixiyay in la xiro keynta Likia ee ku taalla inta u dhexeysa dowlad deegaannada Nakuru iyo Narok.
Amarkan ayaa imaanaya ka dib markii saddex qof lagu dhaawacay gudaha keyntaasi.
Waxaa uu iska hor imaad keyntaasi ku dhexmaray labo beelood oo isku haysta kheyraadka halkaasi laga helo.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Nakuru ayaa sheegay in xiritaanka keyntaasi ay muuhim tahay si looga hor taggo isku dhac kale.
Waxaa uu ku boorriyay bulshada in ay nabad ku wada noolaadaan islamarkaana ay taxadar muujiyaan.