DHAGEYSO:Wasiirka beeraha iyo xubno ka tirsan guddiga xakameynta cayayaanka oo la filaya inay baarlamaanka hor tagaan

0
75

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee waddanka Dr. Andrew Karanja iyo xubno ka tirsan guddiga xakameynta cayayaanka ee dalka ayaa la filayaa inay hor tagaan guddiga baarlamaanka ee qaabilsan beeraha.
Waxaa laga doonaya inay sharraxaad ka bixiyaan warbixinnada sheegaya in in ka badan 250 oo ah sunta cayayaanka lagu dilo lagu isticmaalay dalka inkastoo horraan waddanka laga mamnuucay.
Daraasad ay sameysay jaamacadda Nairobi, ayaa lagu sheegay in suntan cayayaanka loo adeegsada aynan u wanaagsan badqabka aadanaha maadaama ay horseedi karto cudurka Kansarka.
Wasiirka beeraha ee dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arrintan baaritaan lagu sameyn doona si xaqiiqda loo ogaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here