Dowladda 106 bilyan ku qarash gelinaysa isbeddellada lagu wanaajinaya laamaha ammaanka

0
553

Madaxweyaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qaab dhismeedka istiraatiijiyadeed ee dhaqangelinta isbeddellada lagu sameynaya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS), saraakiisha waaxda asluubta iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee (NYS).
Waxaa uu madaxweynaha arrinkan maanta ka daahfuray dugsiga dowladda ee KSG ee magaalada Nairobi.
Waxaa munaasabaddan ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ammaanka.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in dowladda ay dhaqaalo dhan 106 bilyan oo shilin ku qarash gelinayso isbeddellada lagu wanaajinaya laamaha ammaanka.
Isbeddelladan ayaa ah kuwo lagu wanaajinaya xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidamada booliiska, saraakiisha waaxda asluubta iyo saraakiisha adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Waxaa isbeddeladaan soo jeediyay guddigii uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga.
Horraantii bishan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay xubnaha guddi farsamo oo loo xilsaaray isku duba ridka isbeddellada lagu sameynaya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee (NYS).
Waxay xubnahan ka kooban yihiin 13.
Xubnaha guddigan ayaa haysta muddo 9 bilood ah oo ay warbixintooda ku soo bandhigayaan si loo wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan saraakiisha ammaanka ee dalka.