2 burcad ah oo lagu xiray Mombasa

0
330

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da laanteeda gobolka Xeebta ee waddanka ayaa gacanta ku dhigtay labo xubnood oo ka tirsan koox burcad oo falal dhac ah ka gaysata ismaamulka Mombasa.
Magacyada labada qof ayaa lagu kala sheegay Maxamad Ibraahim Shaban oo 22 sano jir ah iyo Cabdulcasiis Cali Ogutu oo ay da’diisu tahay 19.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay tuulada Utange ee deegaanka Shanzu ee ismaamulka Mombasa oo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Howlgal laga fuliyay hooygi ay deganaayeen burcadda ayaa laga soo helay baangado, mindi, taleefoonada gacanta, boorsadda garabka la gashto, mootada nooca dhudhugleyda iyo kaarka aqoonsiga qaran ee ID-ga oo uu leeyahay Yuusuf Amaani Yuusuf.
Waxaa la rumeysan yahay in agabyadan lagu soo qabtay eedeysanayaasha ay dhaca u adeegsan jireen.
Labadan nin ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen falal dhac ah oo laga gaystay xaafadaha Majengo, Makupa iyo Tononoka ee dowlad deegaanka Mombasa
Waaxda DCI-da ayaa shacabka ku boorrisay inay la wadaagaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta ciribtirka burcadda dhibaateysa dadweynaha ismaamulka Mombasa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here