3,369 oo sanadkan ku dhimatay shilalka gudaha dalka

0
258

Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka ee NPS ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa 3,369 qof ay Kenya ugu dhinteen shilal dhacay.
Tirada dadka sanadkan ku nafwaayay shilalka ayaa isugu jiro 1,281 qof oo waddooyinka gudbayay, 825 ka mid ah wadayaasha mootooyinka, 625 oo ah rakaabka baabuurta iyo 281 wadayaasha baabuurta.
Intii u dhexeysay bilihii koowaad ilaa bishan Sagalaad waxaa shilalka waddooyinka waxyeelo ka soo gartay 16,979.
Muddadan oo kale sanadkii hore ee 2023-kii , tirada dadka gudaha Kenya ugu geeriyooday shilalka ayaa ahayd 3,151.
Dhacdooyinkan ayaa loo aaneeyay arrimo ay ka mid yihiin in rakaabka aynan xiran suunka ku deggan kuraasta, darawallada qaar oo baabuurta si xowli ah u kaxeeya iyo tayada qaar ka mid ah gawaarida oo aan wanaagsanayn.
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Mr. Gilbert Masengeli ayaa walaac ka muujiyay shilalka sii kordhaya.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliyad wadareed la iska saaro xaqiijinta badqabka marka la adeegsanaya waddooyinka kala duwan.
Darawaliinta ayuu kula taliyay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka waaxda taraafikada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here