Dowladda oo sheegtay in kaarka aqoonsiga qaran ee ID-ga lagu soo saari doono 10 maalmood

0
402

Xoghayaha waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee Kenya Julius Bitok ayaa xaqiijiyay in kenyaanka marka ay codsadaan kaarka aqoonsiga qaran ee loo yaqaano ID-ga ama kibaandhaha ay 10 cishe ka dib heli doonaan dokumeentigan muhiimka ah.
Bitok ayaa xusay in qorshahan uu dhaqangeli doono bisha soo socota.
Tani ayuu u aaneeyay in la dardargelinaya soo saaridda iyadoo la adeegsanaya agab iyo nidaamyo casri ah.
Waxaa uu xusay in dowladda ay go’aan satay in muwaadiniita loo fududeeyo inay helaan adeegyo muhiim ah oo ay ku jiraan aqoonsiga qaran iyo dukumentiyada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here