DHAGEYSO:Waalidiinta oo carruurtooda ka saaraya dugsiga maanta gubtay ee Machakos

0
276

Waalidiinta ardayda dhigta dugsiga sare ee Katoloni ee ismaamulka Machakos ayaa billaabay in ay carruurtooda halkaasi kala baxaan.
Tani ayaa timid ka dib markii habeenimadii Sabtida uu dab saameeyay qayb ay ardayda seexdaan ee dugsigaasi.
Xaruntan waxbarasho ayaa ka kooban qayb ay ardayda seexdaan iyo qayb ay guriyahooda uga hooydaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka la soo tabiyay daqiiqado ka dib abaare 9-kii fiidnimo ee xalay.
Waxaa howlgalka dabkaasi lagu demiyay ka qayb qaatay saraakiisha waaxda dab damiska ee dowlad deegaanka Machakos iyo howlwadeennada Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross .
Wargeyska The Star ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in labo arday oo uu qiiqa dabkaasi saameeyay ka dibna uu naqaska ku dhegay la dhigay isbitaalka heerka Shanaad ee Machakos.
Waxaa hadda socdo baaritaano ku saabsan sababta keentay in xaruntaasi waxbarasho ay gubato.
Qaar ka mid ah waalidiinta dugsiga tagay si ay carruurtooda ku soo wataan ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.

Dhacdooyinka dabka ayaa dhawaan laga soo tabiyay dhowr dugsi oo ku kala yaalla ismaamullo ay ka mid yihiin Isiolo,Nyeri, Busia iyo Galbeedka Pokot.
Agaasimaha guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ee ismaamulka Machakos Margaret Mwirigi ayaa sheegtay in qaybta xalay gubatay ee dugsigaasi ay seexanayeen 193 arday ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here