Sakaja oo difaacay go’aanka meel kale loogu wareejinaya ganacsatada Wakulima

0
82

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa difaacay qorshaha uu maamulkiisa ganacsatada suuqa Wakulima ugu wareejinaya dhanka waddada Kangundo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan uu yahay mid ku saleysan xaqiijinta badqabka ganacsatada.
Sidoo kale waxaa uu xusay in baahi loo qabo in la fududeeyo ciriiriga ka jira waddada mashquulka badan ee Haile Selassie Avenue .
Waxaa uu tusaale u soo qaatay shilkii saameeyay isgoyska Londiani ee ismaamulka Kericho ee ay ku dhinteen 52 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here