DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo 2 milyan ugu deeqay dugsiga Endarasha ee Nyeri

0
72

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lacag dhan 2 milyan oo shilin ugu deeqay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri.
Tani ayaa timid ka dib markii dab maalmo ka hor saameeyay qayb ay ardayda seexdaan ee xaruntaasi waxbarasho ay ku geeriyoodeen 21 arday ah halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa uu madaxweynaha hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay waalidiinta carruurtooda ku waayay dhacdadaasi ka caawin doonto sidii ay meydadka ku aasi lahaayeen iyo in la garab istaago kuwa dhaawaca ah.
Waxaa uu tilmaamay in qorshaha dowladda uu yahay in bisha 12-aad ee sanadkan la shaqaaleysiiyo 20,000 oo macallimiin dheeraad ah guud ahaan waddanka.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanka deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri Njoroge Wainaina u xil saaray inuu xaqiijiyo in dhibbanayaasha ay helaan caawimaadda ay dowladdu ugu talagashay iyadoo ay dhanka kale socdaan baaritaannada lagu xaqiijinaya sababtii keentay dabkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here