Ugu yaraan 40 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka gaysatay Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxda kala duwan ee caalamka ay si kulul u cambaareeyeen duqeymihii maalin ka hor laga gaystay dugsi ay maamusho hay’adda daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA kaasi oo lagu dilay in ka badan 18 qof.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa mar kale dalbaday in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Weerarkii lala eegtay dugsiga al-Jaouni oo hooy u ahaa barakacayaal ayuu ku tilmaamay shaqaaqo laga naxo taasi oo ay qasab tahay in la joojiyo.