Iiraan oo ballan qaadday in ay ka falcelin doonto xayiraadda reer galbeedka

0
270

Dowladda dalka Iiraan ayaa cambaareysay eedeyn ay u jeediyeen waddamada reer galbeedka oo ah in ay gantaallada riddada gaaban siisay Ruushka si uu ugu adeegsado duullaanka ka dhanka ah Ukraine.
Xukuumadda Tehraan ayaa wacad ku martay in ay ka falcelin doonto xayiraad kasta oo arrinkan ku aaddan oo ay ku soo rogaan dalalka qaaradda Yurub.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan ,Nasser Kanaani ayaa sheegay in ay si cad u beeninayaan eedeynta ah in ay hub siiyeen Ruushka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xayiraadaha ay shaaciyeen dowladaha Ingiriiska , Faransiiska iyo Jarmalka ay yihiin argagixisannimo dhaqaale oo ka dhan ah shacabka Iiraan.
Wuxuu ballan qaaday in ay si u dhiganta xayiraadda ay ku jawaabi doonaan.
Waxaa eedeyntan sidoo kale Iiraan u jeedisay dowladda Maraykanka .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here