Kenya Power oo beenisay in dabkii dugsiga Hillside uu ka dhashay cillad koronto

0
196

Shirkadda bixisa adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa sheegtay in dabkii maalmo ka hor saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee ismaamulka Nyeri aan loo aaneyn karin cillad koronto.
Waxaa dhacdadaasi ku geeriyooday 21 arday ah halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Bayaanka Kenya Power waxaa ku cad in xilligii uu dabka kacayay aynan jirin cillad koronto ama wax gaabad oo dhankooda ah.
Shirkadda ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeynaysa maamullada kala duwan ee baaritaannada ku sameynaya dhacdadaasi si loo ogaado sababta rasmiga ee ka dambeysay inay gubato qayb ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsigaasi.