Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ayaa amartay in la soo xiro guddoomiyaha ismaamulka Uasin Gishu Jonathan Bii iyo barasaab ku xigeenkiisii hore John Barorot ka dib markii ay ku guuldareysteen inay ka soo hormuuqdaan maxkamadda
Garsooraha sare ee maxkamadda Nakuru, Peter Ndege ayaa maanta amarkan soo saaray.
Mas’uuliyiintan ayaa laga doonayay inay caddeeyaan fadeexaad lagu lunsaday balaayin lacag ah oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho dibadeed loogu diro waddamada Finland iyo Canada.
Maxkamada ayaa sidoo kale u yeertay labo marqaati oo kiiskan ku jira oo lagu kala magacaabo Mercy Tarus iyo Joel Koech.
Fadeexadaan ayaa lagu lunsaday lacag gaareyso 1.1 bilyan oo shilin oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho loogu diro dibadda.
Fadeexadaan ayaa ragaadisay boqollaal arday ah, iyadoo haatan waalidiin badan ay la daala dhacayaan khasaaraha dhaqaale ee arrintan ka soo gaartay.
Dhaqaalahan ayaa la lunsaday muddadii uu Jackson Mandago ahaa barasaabka ismaamulka Uasian Gishu.