KNUT oo TSC u qabatay muddo kama dambeys ah oo ay ku shaqaaleysiinaysa macallimiinta JSS

0
333

Xoghayaha Guud ee ururka qaran ee macallimiinta (KNUT) Collins Oyuu ayaa guddiga adeegga macallimiinta (TSC) u qabtay ilaa bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka si uu qaab joogto ah ugu howlgeliyo bareyaasha fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS.
Oyuu ayaa hoosta ka xarriiqay in TSC laga doonaya in ay ka dhabeyso dhaqangelinta wajiga labaad ee heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee (CBA) .
Waxaa is-afgaradkan qayb ka ah in 46,000 oo ah macallimiinta JSS ay ka gudbaan nidaamka qandaraaska ah ee ay hadda ku shaqeeyaan.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Likuyani ee ismaamulka Kakamega ayuu wacad ku maray in haddii aan sidan la sameyn in xaaladdu ay isbeddeli doonto.
Collins Oyuu ayaa dhanka kale , dowladda ka dalbaday in ay soo saarto 1 bilyan oo shilin oo lagu dhameystiraya mushaar kordhinta loo sameynaya macallimiinta dalka.