Dibadbaxyo ka dhacay Israa’iil

0
254

Waxaa waddooyinka kala duwan ee Israa’iil ka dhacay dibadbaxyo ay ka qayb qaateen qiyaastii 750,000 oo ruux.
Shacabka ayaa xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeynaya in ay ku guul darreysatay in la soo siidaayo qaar ka mid ah maxaabiistii ay Xamaas gacanta ku dhigtay 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Waxaa xilligaasi Israa’iil laga xiray 239 qof.
Waxay tani imaanaysa iyadoo dhanka kale , 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay Israa’iil weerarro ku dishay ugu yaraan 31 qof .
Waxaa dadkan ka mid ahaa 8 ruux oo ku nafwaayay duqeyn lala eegtay dugsi hooy u ah barakacayaal.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 40,939 qof halka lagu dhaawacay 94,616 kale.