Waxaa uu xalay fiidkii dab ka kacay mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee gabdhaha ee ismaamulka Isiolo.
Weli lama xaqiijin sababta ka dambeysay dabka saameeyay qaybta ay seexdaan ardayda fasalka koowaad ee dugsigaasi.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa laga soo xigtay in waaxyaha dab damiska ee ciidamada militariga ee KDF-ta iyo maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee KAA ay ku guulaysteen in dabkaasi la demiyo.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in saddex qof oo ay dhaawacyo fudud soo gaareen la daaweeyay .
Dadka deegaanka iyo maamullada maxalliga ee dowlad deegaanka Isiolo ayaa sidoo kale gacan ka gaystay daminta dabkaaasi.
Waxay tani imaanaysa maalmo un ka dib markii dab kale oo saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee galbeedka deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri ay ku dhinteen 21 a rday ah.