Dab saameeyay mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee gabdhaha ee Isiolo

0
230

Waxaa lagu soo warramayaa in dab uu saameeyay mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee gabdhaha ee Isiolo.
Dabka ayaa ka kacay qaybta ay seexdaan ardayda fasalka koowaad ee dugsigaasi.
Weli lama xaqiijin sababta ka dambeysay dabkaasi oo kacay caawa fiidkii.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa sheegtay in koox ay halkaasi u dirtay.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale gacan ka gaysanaya ​​daminta dabkaaasi.
Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here