Shiinaha oo shaaciyay dhinacyada iskaashi ee kala dhexeynaya Afrika

0
363

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa shaaciyay qorsho howleed ka kooban 10 qodob oo ku saabsan iskaashiga dowladda wadankaasi kala dhexeynaya dalalka Afrika saddexda sano ee nagu soo aaddan.
Waxaa ka mid ah casriyeynta warshadaha , beeraha, ganacsiga , maalgashiga, tababarrada iyo kaabayaasha.
Qodobka kale ayaa ah in badeecooyinka lagu soo saaro gudaha Afrika loo furo suuqyada Shiinaha.
Waxaa qorshahan qayb ka ah 30 mashaariic oo dhinaca isku xirka kaabayaasha ah iyo iskaashi horumarineed oo ka kooban ilaa 1,000 oo ah mashaariicda qutul maalmeedka.
Arrimahan ayuu ka sheegay madasha 9-aad ee shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee magaalada Beijing.
Waxaa uu madaxweyne Xi Jinping xusay in qorsho howleedka lagu maalgelinaya 50 bilyan oo doollar una dhiganta 6.5 Tiriliyoon oo shilin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here