DHAGEYSO:Shaqaalaha dowladda oo la faray in ay iska diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka

0
164

Dowladda dhexe ayaa dhammaan shaqaalaheeda fartay in ay iska diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee (SHIF) oo lagu beddelaya NHIF.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kenyaanka iska diiwaangeliyay hannaanka caymiska ay gaarayaan 861,101 qof halka tirada isbitaallada ay tahay 9,792.
Xarumahan ayaa isugu jiro 2,008 oo ay dowladdu leedahay iyo 7,784 oo ah isbitaallada gaarka ah iyo kuwa ay maalgeliyaan hay’adaha diimeed .
Mwaura ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay hadda diiradda saareysa sidii dadweynaha loogu sameyn lahaa wacyi gelin ku aaddan geeddisocodka looga wareegaya caymiskii NHIF ee loogu gudbaya SHA mise SHIF.