DRC oo maanta la geyn doono daawooyinka Mpox

0
316

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee (DRC) la gaarsiiyo qaybtii ugu horreysay ee daawooyinka tallaalka ee lagula tacaalaya furuq daanyeerka Mpox.
Daawooyinkan ayaa ah ku dhawaad 100,000 oo xabbo.
DRC ayaa ahayd xuddunta uu cudur sidahan ka dillaacay ee ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO bishii hore ku dhawaaqday inuu yahay xaalad degdeg oo caafimaad oo caalami ah.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom ayaa xaqiijiyay in daawooyinkan oo ay soo saartay shirkadda Bavarian Nordic kuna deeqday Midowga Yurub la geyn doono Congo.
Waxaa gudaha DRC laga soo tabiyay in ka badan 17,500 oo ah kiisaska furuq daanyeerka mpox iyo 629 oo dhimasho ah tan iyo billowgii sanadkan sida laga soo xigtay hay’adda WHO.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee
UNICEF ayaa dhankeeda sheegaysa in carruurta ku nool DRC iyo dalalka dariska la ah ay si wayn ugu nugul yihiin caabuqan.
Mpox ayaa ilaa iyo hadda laga soo tabiyay ugu yaraan 13 waddan oo ka tirsan qaaradda Afrika sida ay 27-kii bishii hore warbixin ku sheegtay xarunta qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada ee Africa CDC.