3 qof oo loo xiray in ay ajaaniib ka dhaceen 340 milyan

0
392

Waxaa xabsiga loo taxaabay saddex ruux oo ku eedeysan fadeexad la xiriirta ka ganacsiga dahabka taasi oo ajaaniib looga dhacay lacag dhan 340 milyan oo shilin.
Ganacsigan been abuurka ah ayaa saameeyay labo qof sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Tuhmaneyaasha ayaa lagu kala magacaaba Allain Mwadia, Lehman John Raymond iyo Daniel Ogot .
Fadeexaddan ayaa soo billaabatay bishii Lixaad ee sanadkii 2022-kii.