DHAGEYSO:Madaxweynaha oo wasiirrada ugu baaqay in ay si siman ugu adeegaan shacabka

0
289

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirrada iyo dhammaan shaqaalaha dowladda ugu baaqay in ay si siman oo ay daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeegaan shacabka oo dhan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uunan qayb ka mid ah qaranka ku gacan bidixeyn doonin dhanka horumarka.
Madaxweynaha ayaa wasiirrada iyo saraakiisha dowladda kula taliyay in ay waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday u gutaan si cadaalad ah oo aan lahayn qof u eexasho iyo takoor.

Waxaa uu dhanka kale shaaciyay in lacag dhan 1.3 bilyan oo shilin loo qoondeeyay in adeegga korontada la gaarsiiyo 17,000 oo ka mid ah qoysaska ismaamulka Siaya isagoo sidoo kale ka hadlay mashaariicda dhanka biyaha, suuqyada iyo waddooyinka ee ay dowladdu halkaasi ka hirgelinaysa.