Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Siaya uu sheegay in tallaabadii uu golihiisa wasiirrada ugu soo daray afar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ee ODM ay ahayd mid istaraatiiji ah oo looga gol-leeyahay xoojinta midnimada qaran, nabad galyada iyo baraaraha dalka.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii la midoobo la xallin karo caqabadaha jira oo sida uu hadalka u dhigay ay ka badan yihiin fursadaha marka la isku barbardhigo.
Waxaa uu madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uga mahadceliyay inuu go’aansaday inuu dowladda garab ku siiyo xoojinta midnimada iyo xasilloonida siyaasadeed ee qaranka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in haddii la midoobo la xallin karo caqabadaha...