Machakos:Labo nin oo ku eedeysan inay taleefano ka xadeen buukaanada xarun caafimaad oo maxkamad la soo taagay

0
215

Waxaa maxkamad la soo taagay labo qof oo ku eedeysan xatooyo, kuwaas oo dhawaan la xiray.
Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay taleefoonada gacanta ay ka xadeen qaar ka mid ah bukaanada ku jira isbitaalka heerka 5-aad ee ismaamulka Machakos.
Waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Peter Mutavi Mutua iyo Francis Musembi Mumo.
Tuhmanayaahsa ayaa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay, xilli ay ka soo hormuuqdeen garsooraha maxkamadda Machakos James Ombura
Labada eedeysane ayaa haatan lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Machakos, iyadoo lagu wada in maanta markale maxkamad la soo taago.
Tuhmanayaasha ayaa la xiray maalinimadii Arbacada ee toddobaadkan, ka dib markii kaameerada duubto muuqaalada qarsoon ee loo yaqaano CCTV-da ee xaruntaasi caafimaad laga dhex arkay eedeysanayaasha oo dhac ka gaysanaya isbitaalkaasi.
Sida laga soo xigtay maamulka isbitaalkaasi, kiisaska xatooyada taleefoonada ayaa ku soo badanayay xaruntaasi muddooyinkii dambe.