DHAGEYSO:Ismaamulka Kwale oo aan dhisi doonin xarumo caafimaad oo dheeraad ah

0
229

Barasaabka ismaamulka Kwale Fatuma Maxamad Achani ayaa sheegtay in aynan wixii hadda ka dambeeya dhisi doonin xarumo caafimaad oo dheeraad ah.
Waxay sheegtay in ay xoogga saari doonto wanaajinta tayada adeegyada caafimaad ee laga bixiyo isbitaallada ku yaalla Kwale iyo sare u qaadidda qalabeyntooda.
Waxay intaasi ku dartay in xarumaha caafimaadka ee ismaamulkaasi oo horay ahaa 35 in la gaarsiiyay 165.
Barasaabka ayaa laga soo xigtay in tan iyo xilligii 2013-kii la billaabay dowladaha ismaamullada , in Kwale laga howlgeliyay 1,800 oo saraakiil caafimaad ah.
Xilli ay arrimahan ka hadleysay ayay guddoomiyaha Kwale Fatuma Maxamad Achani tiri.