DHAGEYSO:Barasaab ku xigeenka Wajeer oo ka hadlay warar uu ku tilmaamay kuwo bulshada lagu marin habaabinaya

0
191

Barasaab ku xigeenka dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer Axmad Muxumad ayaa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda ay ka fuliyeen deegaanka Koonfurta Wajeer.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay warar uu ku tilmaamay kuwo bulshada lagu marin habaabinaya oo ku saabsan in maamulka ceelasha biyaha ee Dhilmaanyaaley lagu wareejiyay shirkadda adeegyada biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee Wajeer ee loo yaqaano WAJWASCO.