Barasaabkii hore ee Samburu oo lagu ganaaxay 85 milyan oo shilin ama inuu wajaho 8 sano oo xabsi

0
290

Maxkamadda sare ee dalka ayaa barasaabkii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal ku ganaaxday 85 milyan oo shilin ama inuu wajaho 8 sano oo xabsi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu ku caddeysay in xilligii uu gudddoominayay dowlad deegaankaasi uu si sharci darro ah ku qaatay hanti dadweyne oo gaareysa 83.3 milyan oo shilin.
Garsoore sare Thomas Nzyoki ayaa sheegay in maxkamaddu ay guddoomiyihii hore ee Samburu ku heshay dembi ah inuu kaalin shidaal oo uu leeyahay adeegsaday taasi oo sanado shidaal u qaybinaysay dowladdii hoose ee Samburu ee uu hoggaaminayay taasi oo liddi ku ah dastuurka.
Maxkamadda ayaa sidoo kale mas’uulkan ka mamnuucay inuu xafiis dowladeed qabto muddo 10 sano ah.
Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal ayaa dhankiisa sheegay inuu go’aanka maxkamadda racfaan ka qaadanaya.