DHAGEYSO:Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare

0
383

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2023-2024.
Waxaa Imtixaanka sanadkan u farriistay 36,034 arday oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo si wadajir ah uga qaybgalay tijaabada lagu qiimeynayo heerka aqoontooda dugsiga sare.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, 33,668 ka mid ah ardayda imtixaanka gashay ayaa ku guuleystay inay baasaan, halka 2,366 ardayna ay ku dhaceen imtixaanka.
Guud ahaan, natiijada ayaa muujinaysa in ay kor u kacday tayada waxbarashada, maadaama ay tiro badan oo arday ah u suurtagashay inay ka gudbaan imtixaanka iyagoo helay darajooyin wanaagsan.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u dirtay Sakariye Xuseen Maxamad Cismaan, oo ka soo baxay Gobolka Banaadir, gaar ahaan dugsiga Al-Marwazi ee degmada Deyniile, kaas oo galay kaalinta koowaad ee imtixaanka.
Sakariye ayaa helay darajada boqolkiiba 89, taas oo ka dhigtay midka ugu sarreeya dhammaan ardaydii imtixaanka u fariisatay sanadkan.
Wasaaradda ayaa u rajeysay dhammaan ardayda guuleysatay mustaqbal ifaya iyo guulaha waxbarasho ee heerka xiga, iyagoo ugu baaqay in ay sii wadaan dadaalkooda iyo kartida ay ku gaareen natiijadan sare.
Waxaa sidoo kale loo dardaarmay ardayda aan ku guuleysan imtixaanka in aysan niyad jabin, balse ay sii dadaalaan si ay u gaaraan guulaha ay higsanayaan

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya Wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in wasaaraddu ay go’aan ku gaartay ardayga haray in natiijadiisa loo hubiyo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wasaaradda waxbarshada ay sanadkan waxbarasho lacag la’aan ah siineysaa 3,000 oo arday gabdho ah.

Natiijada sanadkan ayaa la filayaa in ay horseedo dhiirigelin dheeraad ah oo ku saabsan horumarinta waxbarashada iyo kor u qaadista tayada ardayda Soomaaliyeed, taasoo ah arrin mudnaan gaar ah leh oo ay dowladda iyo waalidiinta Soomaaliyeedba ka wada shaqeynayaan.