Gachagua oo guul u rajeeyay Raila Odinga

0
357

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa Raila Odinga u rajeeyay inuu ku guulaysto qabashada jagada uu u tartamaya ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Waxaa uu munaasabadii maanta lagu soo bandhigayay musharraxnimada Raila ka sheegay in uunan jirin khilaaf shakhsiyeed oo kala dhexeeya Odinga.
Waxaa uu ku tilmaamay waddani sidii uu ugu soo halgamay isbeddel doonka laga dheehan karo adkeysi iyo dulqaad shakhsiyeed.
Waxaa uu dhanka kale u mahadceliyay xaaska Raila, Ida Odinga in ay muddo dheer garab istaag u muujisay seygeeda iyadoo mararka qaar uu wajahayay marxalado adag.
Gachagua ayaa lamaanaha ku boorriyay in ay sidatan isu garab istaagaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda iyo shacabka Kenya ay si buuxda u taageerayaan musharraxnimada Raila Odinga ee hoggaaminta Midowga Afrika.
Gachagua ayaa sheegay inuu rajeynaya in Mr. Odinga uu ku biiro liiska madaxii horumarka u horseeday Afrika sida madaxweynihii koowaad ee Kenya Jomo Kenyatta iyo madaxweynihii hore ee dalka Ghana Kwame Nkrumah.