DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shaaciyay musharraxnimada Raila ee xilka guddoomiyaha guddiga AU-da

0
337

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi si rasmi ah ugu shaaciyay in Kenya ay u tartamaysa jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da iyadoo uu loollankan ku matalaya ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga.
Waxaa munaasabaddan ka qayb galay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Salva Kiir (Suudaanta Koonfureed), Samia Suluhu Xasan (Tanzania), madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, Jakaya Kikwete oo horay u soo hoggaamiyay Tanzania, madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii hore xaqiijiyay inuu munaasabaddaan ka soo qayb galaya uu soo wacay isagoo ka cudur daartay sababo jiro awgood.
Madaxweyne William Ruto ayaa halkaasi ka sheegay inuu soo bandhigaya shakhsi leh hiigsi oo jecel wadajirka qaaradda Afrika.
Waxaa uu Raila Odinga ku tilmaamay hoggaamiye geesi ah, caaqil ah, xirfad leh muhiimna u ah aqoonta iyo haykalka dowladnimo.
Sidoo kale waxaa uu ku tilmaamay waddani rug caddaa ku ah dhanka abaabulka si isbeddel wanaagsan loo sameeyo.
William Ruto ayaa xusay inuu qabo kalsooni ah in Raila Odinga uu sameyn doono wax kasta oo ay ku qaadato inta karaankiisa ah si uu Afrika uga dhigo mid awood leh oo lagu faano.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Raila Odinga uu si joogto ah u muujiyay sumcad wanaagsan marka la eego inuu si adag u aaminsan yahay waxyaabaha u rumoobi karo Afrika.
Sidoo kale , waxaa uu sheegay in Mr. Odinga ay ka go’an tahay inuu sameeyo aasaas adag oo ah dhanka horumarka ay waqti xaadirkan qaaraddu u baahan tahay.
Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa sheegtay in Raila Amolo Odinga uu u qalmo qabashada xilka uu damacsan yahay sidaasi awgeedna dowladda Tanzania ay taageeraysa.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Korir Sing’Oei ayaa horay u sheegay in ololaha ku aaddan musharraxnimada Raila Odinga ee xilka AUC-da uu billaaban doono ka dib marka uu madaxweynaha la wadaago qaaradda iyo caalamka.

Waxaa uu ammaanay waaya aragnimada siyaasadeed iyo waddaniyadda Raila Odinga oo uu ku tilmaamay mid aan lala barbardhigi karin musharraxiinta kale ee jagadan kula tartamaya.