Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xariggi ay maamullada dalka Faransiiska u gaysteen aasaasaha ahna madaxa fulinta ee barta Telegram ,Pavel Durov.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraatka ayaa sheegtay in Durov oo 39 sano jir ah uu ka mid yahay muwaadiniinteeda.
Ganacsadahan oo u dhashay Ruushka ayaa sidoo kale haysta jinsiyadda UAE-da.
Sabtidii ayay ahayd markii Pavel lagu xiray Faransiiska.
Tallaabadaasi ayaa timid ka dib markii baaritaan la billaabay bishii hore lagu ogaaday in bartiisa Telegram-ka ay sameysay 12 xadgudubyo dambiyeed ah.
Waxaa sidatan shaaciyay xafiiska dacwad oogidda ee dowladda Faransiiska.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraatka ayaa saaka bayaan ku sheegtay in ay codsi u gudbisay dowladda Faransiiska si muwaadinkeeda uu si degdeg ah ugu helo dhammaan adeegyada uu uga baahan yahay safaaradda ay halkaasi ku leedahay.