Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa barasaabyada ismaamullada u sheegay in dowladda sare ay diyaar u tahay dardargelinta sidii lagu bixin lahaa miisaaniyadda dhaqaale ee dowlad deegaannada loo qoondeeyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasaaradda maaliyadda ay ku dadaalaysa sidii loo soo saari lahaa lacago aynan ismaamullada helin labo bilood.
Gachagua ayaa tilmaamay in sanad maaliyadeedkii hore ee ku ekaa 30-kii bishii Lixaad ee sanadkan , ismaamullada la siiyay 354.5 bilyan oo shilin.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 92 ee dakhliga ay ismaamullada qaybsadaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in bishii hore lagu wareejiyay 30.83 bilyan oo dheeraad ah.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi ku guddoomiyay kal-fadhiga 24-aad ee golaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee dowladda sare iyo ismaamullada.