DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada ee dalka oo KUPPET ugu baaqay in ay shaqo joojinta soo afjarto

0
229

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Migosi ayaa ururka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare iyo machadyada farsamada ee KUPPET ka codsaday in uu soo afjaro shaqo joojinta qaran ee ay maanta xubnaha ka tirsan dalladdan ku dhaqaaqeen.
Waxaa uu u xaqiijiyay in dowladdu ay ka go’an tahay xallinta tabashooyinka bareyaasha iyo wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Bayaan uu soo saaray ayuu wasiirka ku sheegay in dowladdu ay lacag u qoondeysay dhaqangelinta heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee dhinaca mushaar kordhinta ee CBA ee ay macallimiinta iyo guddiga adeegga bareyaasha ee TSC isku afgarteen inuu shaqeeyo laga soo billaabo 2021 ilaa 2025-ka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in miisaaniyad loo diyaariyay sidii macallimiinta looga haqab tiri lahaa baahiyaha dhanka qalabka si loola jaanqaado manhajka CBC.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay muujisay rabitaan iyo diyaar garow ku aaddan la tacaalidda waxyaabaha ay macallimiinta dalbanayaan sidaasi awgeedna aynan jirin sabab ismari waa’ loo abuuro.
Wasiirka waxbarashada ayaa dhanka kale ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT ku amaanay inuu meesha ka saaray shaqo joojintii uu horay ugu hanjabay.
Wuxuu sheegay in tani ay horseedday in dugsiyada dib loo furo xilligii loogu talagalay.
Waxaa uu waalidiinta ku boorriyay in ay carruurta dugsiyada geeyaan.
Arrimahan ayuu wasiirka ka hadlay xilli uu maanta booqday dugsiyo ku yaalla ismaamullada Kajiado, Machakos iyo Nairobi isagoo indha indheynayay sida ay howlaha tacliinta dib ugu billowdeen xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadkan.
Dhanka kale , xildhibaanadda deegaanka Aldai ee ismaamulka Nandi Marianne Kitany ayaa macallimiinta ka tirsan ururka KUPPET ee shaqo joojinta ku guda jiro ugu baaqday in ay tallaabadan soo afjaraan oo ay dowladda siiyaan fursad ay ku xalliso dalabaadkooda.