Bareyaasha jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa maanta billaabay shaqo joojin ay uga cabanayaan caqabado ay wajahayaan.
Waxay dalbanayaan in la kala diro golaha jaamacadda oo ay ku eedeynayaan maamul xumo.
Iyagoo uu hor kacaya guddoomiyaha ururka shaqaalaha jaamacadaha dalka ee (UASU) qaybta jaamacadda Moi ,Richard Okero ayay sheegeen in ay doonayaan in la siiyo mushaar ka maqan laga soo billaabo bishii Toddobaad ee sanadkan.
Sidoo kale , waxay cabasho ka muujinayaan lacago amaah ah iyo qarashaad kale sida qoondada howlgabka ee NSSF oo ay xuseen in saddex sano laga jarayay mushaarkooda balse aan lagu wareejin maamullada loogu talagalay.
Bareyaasha jaamacadda Moi ayaa sidoo kale doonaya in la dhaqan geliyo heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee mushaar kordhinta ee ay saxiixeen sanadkii 2021-kii.
Macallimiinta jaamacadda Moi ayaa walaac ka muujinaya in aan la siin gunnooyinka kormeerka lagu sameeyo ardayda maraya tijaabada shaqo in kastoo lacagtan laga qaado ardayda.
Bareyaasha ayaa sidoo kale guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ka dalbaday inuu si degdeg ah baaritaano ugu sameeyo in ka badan hal bilyan oo shilin oo ay ku doodayaan in lagu lunsaday hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta sare ee dalka.
Waxay wacad ku mareen in ay shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa iyo inta laga xallinaya tabashooyinkooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu dhanka kale guddoomiyaha golaha maamulo jaamacadda Moi Dr. Humphrey Njuguna uu sheegaya in ay la xiriireen dowladda si loo bixiyo mushaaraadka iyo gunnooyinka ka maqan bareyaasha.