Kenya oo sheegtay inuu heer sare maraya ololaha Raila ee AUC

0
254

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay inuu heer sare maraya ololaha ay Kenya ugu jirto sidii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga uu ugu guulaysan lahaa qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC) .
Mudavadi oo sheegay in ololahan uu madaxweynaha dalka William Ruto si rasmi ah u soo bandhigi doono Talaadada soo socoto ayaa ballan qaaday in ay sare u sii qaadi doonaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxweyne William Ruto uunan keliya kenyaanka la wadaagi doonin musharraxnimada Raila Odinga balse sidoo kale qaaradda iyo si guud caalamka.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in ololahan ay hoggaamin doonaan shakhsiyaad aqoon iyo waaya aragnimo leh si loo helo natiijada lagu haminaya.