Shaqaalaha ururka duullimaadka oo maanta gudbin doono wargelinta shaqo joojin ay qorsheynayaan

0
281

Xoghayaha Guud ee ururka ay ku mideysan yihiin howlwadeennada waaxda duullimaadka ee dalka ee (KAWU) Moses Ndiema ayaa sheegay in ay maanta gudbin doonaan wargelin 7 cishe ah oo ku aaddan shaqo joojin ay damacsan yihiin in ay ku dhaqaaqaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay wargelintooda la wadaagi doonaan maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee KAA iyo dhammaan hay’adaha duullimaadka ee waddanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isbuucii hore ay dowladda u qabteen toddobo cishe oo ay wax uga qabanaysa dalabaadkooda.
Xoghayaha ayaa sheegay in aynan doonayn in ay berri oo Isniin ah shaqo joojin billaabaan hasa ahaate ay howlwadeennada ka saari doonaan goobaha shaqada si loo gudbiyo wargelinta ku aaddan shaqo joojinta.
Xubnaha ururka shaqaalaha ee waaxda duullimaadka dalka ee (KAWU) ayaa ka cabanaya heshiis la sheegay inuu ka dhexeeyo maamulka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi iyo shirkadda Adani Airport Holdings Limited oo laga leeyahay India.
Digniinta ururka KAWU ayaa ku soo aadaysa ka dib markii ay horay dowladda uga dalbadeen in ay joojiso dhaqangelinta is-afgaradka JKIA iyo Adani.
Ururkan ayaa ku doodaya in dowladdu aynan adeegsan habraaca habboon ee dhanka sharciga.
Waxay si gaar ah u sheegeen in arrintan aan laga qayb gelin dadweynaha iyo daneeyayaasha howlaha gaadiidka si ay aragtidooda ugu biiriyaan.
Ururka shaqaalaha duullimaadka ee KAWU ayaa sidoo kale ka cabanaya isbeddello dhanka maamulka ah oo laga sameeyay KAA iyo shirkadda duullimaadka ee Kenya Airways.
Xoghayaha Guud ee ururkan , Moses Ndiema ayaa sheegay in qorshaha ka dhexeeya JKIA iyo shirkadda Adani uu horseedi doono shaqo la’aan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay shirkaddan qorsheynaysa in ay yareyso tirada shaqaalaha ee garoonka JKIA.
Dowladda ayaa horay u beenisay in ay saxiixday heshiis garoonka diyaaradaha ee JKIA looga iibinaya shirkadda Adani ee dalka India.
Waxay caddeysay in is-afgaradka la hadal hayo uu ku saabsan yahay in la ballaariyo garoonka si loo sii wanaajiyo tayadiisa.