Dowladda oo sheegtay in laga gudbay caqabadihii la xiriiray bixinta baasaboorka

0
520

Waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka ayaa sheegtay in dowladdu ay ku guulaysatay xallinta dhammaan caqabadihii la xiriiray codsashada iyo bixinta baasaboorka cusub.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka Julius Bitok.
Waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in dhammaan geeddisocodyada la nidaamiyay si loo hubiyo in dokumeentigan si degdeg ah loogu soo saaro shacabka codsada si ay ugu safraan.
Bitok ayaa xusay in waaxdan lagu wareejiyay labo mashiinno oo cusub iyadoo la sii wado wanaajinta hannaanka codsashada iyo soo saaridda baasaboorka dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in boqolaal baasaboorro ah la daabacay tani oo dib u dhac wayn ku ahayd kenyaanka.
Xoghayaha ayaa dhammaan dadkii codsaday baasaboorka ku wargeliyay in ay si degdeg ah ula wareegaan.
Waxaa uu sheegay in la soo saaray 110,000 oo ah baasaboorro kuwaasi oo yaalla xarumaha kala duwan ee waaxda socdaalka iyo adeegyada jinsiyadeed ee dalka si ay u qaataan dadkii codsiyadan gudbiyay.
Julius Bitok ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii xarumo dheeraad ah oo baasaboorka laga qaadanaya looga furi lahaa qaybaha dalka.
Wuxuu xusay in dhawaan ay fureen xarumaha waaxda socdaalka ee ismaamullada Kericho iyo Bungoma.
Xoghayaha ayaa sheegay in ay furi doonaan xafiisyada baasaboorrada ee ismaamullada Nyeri iyo Garissa.
Qorshaha dowladda waxaa qayb ka ah in xafiiska waaxda socdaalka ee dalka laga hirgeliyo ismaamulka Machakos si bixinta adeeggan dadweynaha loogu dhaweeyo.