Amarka daadgureynta shacabka Khan Younis oo la cusbooneysiiyay

0
185

Israa’iil ayaa dib u cusbooneysiisay amarkii ay horay u soo saartay ee ku aadanaa daadgureynta dadka ku nool degmooyin dhowr ah oo hoos tago Bariga magaalada Khan Younis.
Waxay tani imaanaysa iyadoo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay aagga al-Mawasi ee magaalada Khan Younis ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen ugu yaraan 8 dugsi oo ku yaalla daafaha Marinka Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 39,699 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 91,722 kale.
Waxaa duullaanka militari muddadan gudaheeda ku barakacay ku dhawaad 2.3 milyan oo qof iyadoo ay sii baahayaan xanuunnada iyo gaajada.