Ciidamada booliiska ee Bamburi oo ka tirsan ismaamulka Kilifi ayaa xiray qof looga shakiyay inuu sitay bastoolad.
Tuhmanaha oo 43 sano jir ah ayaa lagu magacaaba Stephen Mutunga Kimeu waxaana laga qabtay waddada Old Malindi Road.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in howlgalkaasi ay sidoo kale ku soo heleen ilaa shan xirmo oo rasaas ah ka dib markii ay xog ka heleen dadweynaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanaha uu doonayay inuu u safro Lamu.
Waxaa uu hadda ku jiraa saldhigga booliiska ee Bamburi isagoo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.