Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay Qaza

0
126

In ka badan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro dhowr ah oo ay Israa’iil ka gaysatay bariga magaalada Qaza ee dalka Falastiin.
Duqeymaha oo lagu bartilmaameedsaday labo dugsi oo hooy u ah barakacayaal ayaa waxaa dhanka kale ku dhaawacmay 30 qof oo dheeraad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Falastiiniyiin badan ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka ka dhashay weerarrada lala eegtay dugsiyada Cabdel Fattah Hamoud iyo al-Zahraa oo ku yaalla degmada Tuffah .
Warbaahinta Aljazeera ayaa tabinaysa in labo madfac lagu garaacay dugsiyada iyadoo waaxda difaaca rayidka ee Falastiin aynan ku guulaysan samatabixinta dadka la aaminsan yahay in ay ku hoos xanniban yihiin burburka maadaama aynan haysan agab ay adeegsan karaan.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa ku andacoonaya in dugsiyadaasi ay noqdeen xarumaha taliska ee ururka Xamaas oo weerarrada laga soo abaabulo.