Saraakiisha sare ee adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa maanta kulan ku yeeshay machadka tababarka ee booliiska maamulka ee AP-da ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa shirkaasi isugu yimid dhammaan taliyaasha booliiska ee gobollada waddanka.
Kulanka ayaa looga arrinsanaya xaaladda ammaanka ee dalka wuxuuna ku soo aadaya iyadoo ay dhallinyarada sheegeen in ay Khamiista soo socoto ee 8-da bishan Sideedaad ay sameyn doonaan dibadbax wayn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baarlamaanka uu Khamiista turxaan bixin doono Douglas Kanja oo uu madaxweynaha dalka u magacaabay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka.
Hadii magacaabidiisa la ansixiyo waxaa uu beddeli doonaa Japhet Koome oo is casilay bishii Toddobaad ee sanadkan.