Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 5 sarkaal oo militari ah oo u dhashay Maraykanka ay ku dhaawacmeen weerar lala eegtay saldhig ay ku leeyihiin dalka Ciraaq.
Tani ayaa timid ka dib markii labo madaafiic ah lagu soo tuuray saldhigga militariga hawada ee Maraykanka ee Ain al-Assad oo ku yaalla Galbeedka Ciraaq.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ilo wareedyada xukuumadda Washington iyo kuwa ammaanka ee Ciraaq.
Hasa ahaate , ilaa iyo hadda ma cadda in weerarkan uu xiriir la leeyahay hanjabaadihii dowladda Iiraan iyo ururka Xisbullah ee waddanka Lubnaan ee ahaa in ay falcelin adag ka bixin doonaan dilkii madaxii Xamaas Ismaaciil Haniyeh.
Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa saraakiisha gaashaandhigga ayaa dhankeeda tabinaysa in ay dhaawacmeen ilaa 7 qof oo isugu jiro ciidamo militari iyo rayid.
Aqalka cad ee White House ayaa dhankiisa xusay in arrintan lagu wargeliyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Kamala Harris oo ku xigeen u ah.
Dowladda Iiraan ayaa horay Maraykanka ugu eedeysay in ay qaadanaysa mas’uuliyadda dilkii Haniyeh maadaama ay taageerto Israa’iil.