Ciidamada militariga ee dalka Bangladesh ayaa shaaciyay in waddankaasi uu sii hoggaamin doono maamul ku meel gaar ah.
Waxaa sidatan sheegay madaxa militariga ee Bangladesh Waker-Uz-Zaman oo sidoo kale ku baaqay degganaansho.
Tani ayaa timid ka dib markii ay is casishay dalkaasina ka baxday ra’iisul wasaare Sheikh Hasina oo xukuumadda hoggaaminaysay ku dhawaad 20 sano.
Tallaabada ay qaadday ayaa ku soo beegantay ka dib toddobaadyo ay Bangladesh ka dhaceen dibadbaxyo ay dadka uga soo horjeedeen hannaanka shaqaaleysiinta kuwaasi oo ay dad badan ku dhinteen.