Waxaa lagu soo warramayaa in ra’iisul wasaarihii dalka Bangladesh Sheikh Hasina ay xilkaasi iska casishay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iyada iyo qoyskeeda ay u dhoofeen dalka India.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo isku soo baxyada soo billowday bishii hore ay dadweynaha uga soo horjeedeen hannaan dhanka shaqaaleysiinta ah.
Waxay dalbanayeen in ay is casisho ra’iisul wasaarihii dalkaasi Sheikh Hasina oo maanta xilkaasi ka tanaasushay.
Taliyaha ciidamada wadankaasi Janeraal Waker-Uz-Zaman ayaa lagu wadaa inuu la hadlo shacabka, si dowlad ku meel gaar ah loo soo dhiso.
Shalay ayay ahayd markii ugu yaraan 91 qof oo ay 13 yihiin booliis la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iskudhacyada.
Tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkan, waxaa dibadbaxyada Bangladesh ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof.