DHAGEYSO:Xisbiyada ka tirsan Azimio oo sheegay inay taageeri doonaan Kalonzo

0
172

Mas’uuliyiinta xisbiyada ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ee kala ah Jubilee iyo DAP-K ayaa sheegay in ay sanadka 2027-da u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya waddanka ay ku taageeri doonaan Kalonzo Musyoka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee Jubilee Jeremiah Kioni iyo madaxa xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa.
Siyaasiyiintan ayaa xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Kiambu sheegay in Kalonzo uu hadda yahay madaxa mucaaradka ka dib markii xubno ka tirsanaa ODM ay ku biireen golaha wasiirrada ee magacaaban ee madaxweyne William Ruto.