Justin Muturi oo beeniyay in uunan xiriir wanaagsan la lahayn madaxweynaha

0
224

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda adeegga dadweynaha Justin Bedan Njoka Muturi ayaa beeniyay in xilligii uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka uunan xiriir wanaagsan kala dhexeyn madaxweynaha qaranka William Ruto.
Muturi ayaa xeer ilaaliyaha ahaa ka hor inta aan la kala dirin golihii wasiirrada.
Wargeys maxalli ah ayaa tabiyay in madaxweynaha uunan la tashan Muturi.
Hasa ahaate , xilli la turxaan bixinayay oo uu xildhibaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad arrintan wax ka waydiiyay ayuu Justin Muturi ku tilmaamay mid la buunbuuniyay.
Waxaa uu xusay in warbixintaasi aynan sax ahayn isagoo intaasi ku daray inuu difaaci karo xiriirkii dhanka shaqada ee kala dhexeeyay madaxweynaha dalka isagoo soo bandhigaya warbixinta waxqabadkiisi mudadii uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Justin Muturi ayaa sheegay inuu bixiyo talasiin ku saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xeerarka caalamiga iyo dowladaha ismaamullada.
Waxaa uu tilmaamay in uunan xusuusan talo uu siiyay madaxweynaha oo aan la dhaqangelin.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasaarado dhowr ah ay ku fashilmeen dhaqangelinta talooyinka xeer ilaaliyaha maadaama aynan raacin talada qareennada la shaqeeya wasaaradaha kala duwan.